DAAWO : Nimcaan Hilaac iyo Yurub Geenyo oo Laga Saaray Kooxda Xidigaha Geeska Lagana Mamnuucay in ay Soo Galaan Magaalada Hargeysa

Kooxda Xidigaha ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxey ku sheegeen ineysan ka mid aheyn fanaaninta Yurub Geenyo iyo Nimcaan Hilaac ayna hada kadib ka tirsaneyn kooxda .
Warka oo warbaahinta Somaliland baahisay ayaa sidoo kale waxey sheegeen in ka bixitaankooda ay ka dambeysay kadib markii ay jabiyeen qawaaniin u dagsanaa kooxda .
Dhanka kale waryaheena Hargeysa ayaa soo sheegaya in sidoo kale warbaahinta Somaliland ay tabineysa gaar ahaan wargeysyada in waaxda socdaalka aysan u ogolaan doonin Hargeysa iney soo galaan labadan fanaan.

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKA

Nimcaan iyo Geenyo ayaa waayadan ku sugna Muqdisho waxana ay qaadeen heeso iyagoo huwan calanka Soomaaliya iyo showyo taas oo loo aaneynayo ka saaridooda kooxda.
Yurub Geenyo ayaa dhawaan muuqaaladeeda baraha bulshada lagu baahiyey iyadoo ka qeybgalaysa munaasabadi caleema saarka madaxweyne Farmaajo


Xafiiska Shabakada Allbanaadirnews.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadirnews@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ads