DEG DEG : Al-Shabaab oo Weerar Xoogan Ku Qaaday Garoonka Diyaaradaha iyo Warar Sheegaya

Dagaalamayaasha Hubeysan oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa weerar culus ku qaaday goor dhow Garoonka Diyaaradana Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo.
Weerarka oo gaadma ahaa ayaa markii dambe xoogeystay oo isku bedelay Mid fool ka fool ah oo leysku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmada Baardheere iyo qaar ka mid ah deegaanada hoostaga degmada.
Warar hoose sheegayaan in Ciidamada Itoobiya khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed uu ka soo gaaray dagaalkaasi.


Xafiiska Shabakada Allbanaadirnews.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadirnews@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ads