DEG DEG : Ciidan Careysan oo Goordhaw Xoog Kula Wareegay Xarunta Dowlada Hoose ee Galkacyo..

Ciidan Katirsan Kuwa Amaanka Puntland ayaa lasoo sheegayaa inay goordhaweyd la wareegeen Xarunta Dawlada Hoose Ee Magaalada Gaalkacyo.
Waxa la sheegay inay ciidankaasi ka gadoodsan yihin Mushaar aysan muddo qaadanin.
Ciidanka oo ah kuwo aad u hubeysan ayaa diiday wax dhaq dhaqaaq ah in laga sameeyo Xarunta taasi oo cabsi gelisey Shaqaalihii halkaasi kusugnaa.

Wararka waxay sheegayaan in durba Wuqooyiga Gaalkacyo laga dareemay Arintaan oo dadkuna ay hadal hayaan.
Ciidan katirsan Daraawiishta Puntland ayaa sidaan oo kale waxay ula wareegeen Xalay Magaalada Garowe Koontaroolkiisa iyaguna waxay ka cabanayeen Mushaar la’aan seddex sano kudhawad.


Xafiiska Shabakada Allbanaadirnews.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadirnews@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ads