DEG DEG : Kooxo Hubeysan oo Caawa Muqdisho Ku Dilay Bashiir Maxamuud Maxamed

Wararka inaga soo gaaraya xaafada Ceel-dhanaanow ee Degmada Dharkeynley ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi lagu dilay Mid ka mid ah Ciidanka Minashiibiyada, sida ay inoo sheegeen Dadka Degaanka.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa dilka u geystay ninkan, waxaana ay ka toogteen qeybta sare ee jirkiisa, iyagoo ku dhiftay dhowr xabadood, kuwaasi oo laga maqlay Agagaarka goobta uu dilka ka dhacay.
Ninkan ka tirsanaa Ciidanka Minashiibiyada ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bashiir Maxamuud Maxamed, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo goobta gaaray.
Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, halkaasi oo ay ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay iyo raadinta raggii dilka geystay.
Goobjooge halkaasi ku sugan ayaa sheegay Ciidanka ammaanka in ay isku geedaamiyeen xaafadaha ay Degmadaasi ka kooban tahay, gaar ahaan goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay wadaan Howlgallo.
Maalmahan Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaasi oo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Askarta.


Xafiiska Shabakada Allbanaadirnews.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadirnews@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ads