DEG DEG : Mooshin Xilka Looga Qaadayo Axmed Madoobe oo Hada Ka Socda Kismaayo

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa wal wal xoogan uu soo foodsaaray kadib markii uu waayay kalsoonidii xildhibaanada maamulkaas.
Warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay magaaladda Kismaayo ayaa sheegaya in xildhibaanada maamulkaas ay diyaariyeen mooshin ay xilka uga qaadayaan Axmed Madoobe.
Mid kamid ah Xildhibaanada maamulkaas oo aan la hadalnay ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad 80 Xildhibaan oo maamulkaas ah ay madaxweyne Axmed Madoobe xilka qaadis ku sameynayaan’

Xildhibaanadda diyaar ayay uyihiin iney la xisaabtamaan madaxweyne Axmed Madoobe oo ay xilka qaadis ku sameeyaan”ayuu yiri mid kamid ah xubnaha barlamaanka maamulkaas oo hadlay.
Warar kale ayaa sheegaya in dhowr mar uu baaqday inuu furmo kalfadhigii barlamaanka maamulkaas, arintaas ayaana lagu eedeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.


Xafiiska Shabakada Allbanaadirnews.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadirnews@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ads