DHAGEYSO : Somaliland oo Fariin usoo dirtay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre

Kadib markii Dowladda Federaalka ay ka soo horjeesatay Heshiiska ku saabsan saldhiga Millatari ee laga hirgelinayo Magaalada Berbera ayaa Mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland waxa ay codsi u direen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre.
Somaliland ayaa Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre waxa ay ka codsadeen in ay joojiyaan fara gelinta ay ku hayaan arrinta ku aadan Saldhiga Millatari ee Imaaraadka uu ka hireglinayo Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA

Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Somaliland Maxamuud Xaashi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre in uu ka doonayo in ay joojiyaan fara gelinta, isaga oo sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wada hadal in ay la gasho Dowladda Federaalka, balse hada ay ku mashquulsan tahay Doorasho.
Heshiiska Saldhiga Millatari ayaa waxaa ka qeylo dhaamiyay Dowladda Federaalka, maadaama heshiiskaasi Dowladdu ay sheegtay in ay waxba ka ogeyn arrinta heshiiska Dekadda Berbera.


Xafiiska Shabakada Allbanaadirnews.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadirnews@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ads