WAR DEG DEG AH : Amar Yaab Leh oo Lagu Soo Rogay Shacabka Reer Muqdisho

aliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Korneel Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in ay soo saareen amaro cusub oo ku saabsan sugidda amniga caasimadda Soomaaliya.
Amarada uu soo saaray Taliye Bishaar ayaa waxaa ka mid ah in Magaalada Muqdisho aan lagu arki karin Gaadiidka Taargo la’aanta iyo Gaadiid walba in lagu baarayo baraha Kontoroolada ee ay ku sugan yihiin Ciidanka Booliska, si amniga loo xaqiijiyo.

Korneel Bishaar Abshir Geeddi Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in cadaaladda la horgeyn doono shakhsiyaadka ka soo horjeesta amarada ay bixiyeen.
Taliye Bishaar ayaa sheegay in la kordhin doono Howlgallada Ciidanka Dowladda Federaalka ay ka wadaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, si looga hortago falalka amni darada la xiriira.

Halkan Hoose Ka Dhageyso


Xafiiska Shabakada Allbanaadirnews.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadirnews@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ads