Akhriso Waqtiga Rasmiga ah ee Lagu Dhawaaqayo Golaha Wasiirada iyo Wariyaasha oo Heegan galay..

Wararka goordhaw aan ka helnay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in xiligan ay socoto qaban qaabada magacaabista golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Wariyaasha ayaa goordhaew looga yeeray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya si goob joog uga noqdaan magacaabista golaha Wasiirada oo la filayo in R/Wasaaraha uu ku dhawaaqo saacadaha soo aadan.
Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa soo gabo gabeeyay wadatashiyadii ku aadaneed magacaabista golaha Wasiirada, waxaana inta badan la xaliyay culeesyo ka jiray magacaabista golaha Wasiirada.
Wali si rasmi ah looma oga tirada ay noqon doonaan Wasiirada la filayo in la magacaabo, waxaa sidoo kale si rasmi ah aan loo ogeyn shaqsiyaadka kasoo dhax muuqan doono Xukuumada cusub ee Soomaaliya.


Xafiiska Shabakada Allbanaadirnews.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadirnews@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ads