Akhriso : Wararkii ugu Dambeeyay Ku Dhawaaqista Golaha Wasiirada iyo Shaqsiyaad Caan ah oo Ka Dhex Muuqda

Diyaargarowgii ugu danbeeyay ayaa ka socda magaalada Muqdisho xilli la wada sugayo in Golaha wasiirada cusb lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.
Xubno filaya inay wasiiro noqdaan, shaqaalaha xafiiska R/wasaaraha iyo saxaafada ayaa dhegtu u taagan tahay saaka oo wada sugaya goorta xafladda ku dhawaaqist Golaha wasiirada ay dhici doonto.
Isbedelka ugu weyn ee xukuumaddan cusub laga sugayo ayaa ah awood qeybsiga xilalka muhiim ah ee xukuumadda, kuwaasoo la kala wareejiyay. Wasiirka arrimaha dibadda oo hore ay u qaban jireen beelaha Isaaq ama Samaroon ayaa hadda waxaa loo qoondeeyay beesha Hawiye.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la yimid qorshe ah in beelaha waaweyn dhexdooda laga soo xulo jufooyinka yaryar siyaasiyiinta kasoo jeeda ee aan fursado badan hore u heli jirin, taasoo ah arrin halisteeda leh.
Qaar ka mida wasiirada baraha bulshada lagu magacaabay waxaa ka mida safiirka Soomaaliya ee Q/Midoobay Yuusuf Garaad oo loo saadaalinayo wasaaradda arrimaha dibadda.


Xafiiska Shabakada Allbanaadirnews.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadirnews@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ads