DAAWO : Somaliland oo Si Rasmi ah ugu Saxiixday imaaraadka Saldhiga Ciidan ee Berbera iyo Feysal Cali Waraabe oo Afka Furtay Si Yaab Lehna uga Hadlay..

Masuuliyiin kasocda maamulka Somaliland iyo wakiillo metelaya dawladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta Dalka Imaaraadka si rasmi ah ugu kala saxeexday heshiis ogolaanaya in magaalada Berbera Saldhig military laga siiyo dawladda Isku taga Imaaraadka Carabta.

Riix Halkan Ka Daawo Muuqaaalka

Heshiiska lagu gaadhay in magaalda Berbera Saldhig military laga siiyo dawladda imaaraadka ayaa buuq badan dhaliyay, Sidoo kalena mudaharadyo lagaga soo horjeedo ayaa ka dhacay meelo kala duwan, Sidoo kalana labada gole ee baarlamaanka Somaliland dhawaan ansiyey qodobada is afgaradka heshiiskaasi.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali waraabe oo ka mid ahaa masuuliyiinta dhinaca maamulka Somaliland ka socda ee saxeexa goob jooga ka ahaa ayaa ka Warbixiyey.
“Dabcan saldhigyadu qiimaha ay leeyihiin waa la garan karayaa, saldhig milateri ayaanu siinay dowladda Imaaraadka, iyagoo noogu bedelaya mashaariic horumarineed, faa’iidada aan ka helayno mashaariicdaasi ayaa ka mid ah”. ayuu yidhi madaxwayne ku xigeenka S..and oo ka hadlay Heshiiskan.


Xafiiska Shabakada Allbanaadirnews.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadirnews@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ads