DEG DEG : Dagaal Xoogan oo Goordhaw Ka Dhacay Muqdisho iyo Wariye Caan ah oo Lagu Dhaawacay..

Wariye Mahad Maxamed Cabdiraxmaan “ Mutawakil” ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmartay Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Wariye Mahad Mutawakil oo ka mid ah Shaqaalaha idaacada Shabelle ayaa dhaawacmay xilli uu gudanayay howlihiisa shaqo.
HALKAAN KADHAGEYSO CODKA
Waxaana haatan lagu dabiibayaa mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadkaasi uu dhaawac kasoo gaaray dad kale oo shacab ah halkaasina ka agdhawaa.
SAWIRKA WARIYAHA LA DHAAWACAY:


Xafiiska Shabakada Allbanaadirnews.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadirnews@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ads