DEG DEG : Maxaadan Ogeyn oo Caawa Ka Socda Magaalada Muqdisho..Akhriso

Ciidanka Nabad sugidda iyo kuwa Booliska Dowladda Federaalka ayaa caawa Magaalada Muqidisho waxa ay ka wadaan Howlgal ka dhan ah Mootada Labada Lugood leh.
Howlgalkan ayaa yimid kadib markii casir liiqii maanta kooxo hubeysan oo Isgoyska Afarta Darjiin ee Magaalada Muqdisho ku dilay Nin magaciisa lagu soo koobay Amadi ay wateen Mootada labada lugood leh ee loo yaqaano Vekon.
Ciidanka ayaa Howlgalkan ka wada Degmooyinka Gobolada Gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadaha iyo Isgoysyada, waxaana ay qabanayaan Mootooyinka Labada lugood leh, si loo soo qabto raggii galabta dilka geystay.
Saraakiisha hoggaamineysa Howlgalkan ayaa sheegay in hada ay soo qabteen Mootooyin dhowr ah, kuwaasi oo ay ku socdaan baaritaano, welina Holwgalka uusan soo gaba gaboowin.


Xafiiska Shabakada Allbanaadirnews.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadirnews@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ads