DEG DEG : Maxkamada Dalka Sudan oo Xukun Deg Deg ah Ku Riday Fanaanka Nimcaan Hilaac Kadib Show uu Ku Qabtay

Fanaanka Soomaaliyeed Nimcaan Hilac oo maalmahan Suudaan u joogay Show uu qaban lahaa ayaa xalay qabsaday Showgaas oo ay ka so qeybgaleen ku dhawaad 300 qof oo dhalinayrada jaamacadaha ka dhigata u badan .
Showga oo ka dhacayey bartamaha caasimada ee Khurtuum ayaa markuu bilawday waxaa soo galay ciidamada booliska Suudaan oo xiray fanaanka iyo 2 ka mid aheyd qabanqaabiyaashi xaflada inkastoo marki dambe la soo daayey qabanqaabiyaasha.
Xariga Nimcaan aya yimid sida ay saraakiil safaarada Soomaalida oo an la xiriirnay ay noo sheegeen kadib markii qolada showga qabanqaabineysay ay ku diiwaangaliyeen Hoolka inuu aroos dhacayo balse markii dabe ay booliska ka war Heleen in show uu socdo.
Fanaanka oo xalay ku hoyday saldhiga booliska ayaa la soo taagay saaka maxkamada , waxaana ay ku xukuntay ganaax dhan inuu bixyo 1,500$ uuna dalka uga baxo 24 saac hadii kale xarig 6 bilood ah.
Axmed Yusuf oo ka mid ah ardeydi xalay u daawasho tagtay shiwga ayaa sheegay in dhalinyarada ay aad uga xumaadeen in sidaas wax u dhacaan , waxuuna qabanqaabiyaasha ku eedeeyey ineysan wadiiqo sax ah u marin kireynta hoolka .


Xafiiska Shabakada Allbanaadirnews.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadirnews@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ads