Maxaa Ku Qornaa Warqadaha ay Al-Shabaab Ku Daadiyeen Muqdisho (Akhriso)

Magaalada Muqdisho waxaa aad loo hadal hayaa warqado ay daadiyeen sida la sheegay kooxda al shabaab balse shacabka reer Muqdisho ayaa warkaan waxaa uu ku noqday niyad jab weyn.
Warqadaha ayaa lagu daadiyay qeyb kamid ah Suuqa-Bakaaraha waxaana loogu digay shirkad Cusub oo Magaalada Muqdisho ka bilawday bixinta adeega internetka taasoo bulshada ay qadka internet-ka u marineysa SIM-card Mobile-ka Waxaan horay al shabaab u mamnuuceyn adeegaan internet Mobile-ka oo ay bixin jirtay shirkada isgaarsiinta Hormuud.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in al shabaab aysan warqadahaani ku daadin Magaalada Muqdisho balse ay daadiyeen Koox mucaarad ku ah adeega shirkadaan cusub oo shacabka Soomaaliyeed aad usoo dhaweeyen.
Adeegaan Cusub ee internet-ka SIM-card Mobile-ka ayaa maalmihii hore lagu iibinayay Lacag dhan 10-dollar hasa aheyd rabitaanka Bulshada ee adeegaan oo aad u badan ayaa lacagta loo kordhiyay waxaana lagu iibiyaa hada 20-dollar.


Xafiiska Shabakada Allbanaadirnews.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadirnews@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ads